Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay fawdada ka dhacday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta isku dayga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur, uu ku doonayo in lagu sameeyo wax ka beddel aan heshiis lagu ahayn cutubyada Dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5aad ilaa 9aad iyo 1aad ilaa 4aad.

Goluhu wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku cadaadinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu tallaabo degdeg ah u qaado wax ka beddelka Dastuurka, arrintaas oo lagu tilmaamay mid marin-habaabin ku ah bulshada Soomaaliyeed.

Golaha ayaa sheegay in isbeddellada la soo jeediyay ay ka hor imanayaan xildhibaanada loo doortay in ay ilaaliyaan Dastuurka, isla markaana ay wax u dhimayaan mas’uuliyadda siyaasadeed iyo kalsoonida qaranka.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu si cad u sheegay in tallaabooyinka lagu doonayo in lagu carqaladeeyo geeddi-socodka wadahadallada qaran ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka ay yihiin kuwo halis ku ah midnimada iyo xasilloonida dalka. Wadahadalladaas ayaa lagu ballansanaa in ay bilaabmaan 1-da Febraayo, waxaana la filayay in lagu gaaro heshiis lagu dhisayo sharciyad leh, waqtiyeedana ku nabdoon.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay ilaalinta mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan sharciga, isla markaana ay sii wadi doonaan difaaca Dastuurka iyo sharciga dalka.

Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan tallaabooyinka sharci darrada ah in la joojiyo, isagoo ku adkeystay in wax ka beddel kasta oo Dastuurka lagu sameeyo uu maro habraac sharci ah oo heshiis lagu yahay.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka