Hay’adda Nabadsugidda qaranka ayaa war kasoo saaratay duqeybntii maanta ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay ilaa 7 dhagar-qabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa kooxda.







