Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, taas oo lagu dooran doono Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha guud ee guddiga.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya musharrixiin leh aragtiyo iyo waayo-aragnimo kala duwan, kuwaas oo doonaya inay hoggaamiyaan hay’addan muhiimka u ah ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Xilka Guddoomiyaha ayaa waxaa u tartamaya:

Cumar Dr. Cabdulle Calasoow

Drs. Maryan Qaasim Axmed

Farxaan Maxamed Jimcaale

Hawlaha doorashada waxaa maamulaya Guddiga Doorashada oo uu hoggaaminayo Cabdikariin Axmed Xasan, kaas oo sheegay in doorashadu u dhici doonto si hufan oo waafaqsan shuruucda u degsan guddiga.

Doorashadan ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, iyadoo ay daneynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo diblumaasiyiin caalami ah, maadaama Guddiga Xuquuqda Aadanaha uu yahay hay’ad heer qaran iyo heer caalami ah oo door muhiim ah ka qaadata ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla markaana la shaqeysa hay’adaha caalamiga ah.

Waxaa la filayaa in natiijada doorashada ay saameyn ku yeelato jihada mustaqbalka ee guddiga iyo kalsoonida ay ku yeelan doonaan shacabka iyo beesha caalamka.