Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u muujiyay mowqif cad oo adag oo ay kaga soo horjeedaan tallaabada Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ayaa mowqifkan ku muujiyay wadahadallo heer sare ah oo ay ku yeesheen magaalada Riyadh, halkaas oo ay ku adkeeyeen in Soomaaliya ay tahay dal mid ah, islamarkaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo hal dhinac ah oo lagu wiiqayo qaranimadeeda.
Madaxweyne Erdoğan ayaa si gaar ah u cambaareeyay go’aanka Israa’iil, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah isla markaana aan wax saameyn sharci ah lahayn. Waxa uu xusay in mustaqbalka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee Soomaaliya uu ku xiran yahay rabitaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu waafaqsan yahay qaraarrada iyo mabaa’diida Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, Madaxweyne Erdoğan ayaa ka digay in tallaabada Israa’iil ay horseedi karto xasillooni-darro siyaasadeed iyo amni oo ku baahda Geeska Afrika, taasoo khatar ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha gobolka.
Dhankooda, Erdoğan iyo Maxamed Bin Salmaan ayaa si isku mid ah u adkeeyay in ficillada hal dhinac ah ee lagu carqaladeynayo madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo xasilloonida caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay si cad u diido tallaabo kasta oo noocaas ah, isla markaana ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.






