Dowladda dalka Liibiya ayaa soo tarxiishay tiro dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku sugnaa dalkaasi, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay halkaasi ka sii tahriibaan, si ay u gaaraan dalal ku yaalla Yurub.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen xarumo ay maamusho dowladda Liibiya, kadib markii lagu qabtay howlgallo ka dhan ah tahriibta dadka ee ka socda dalkaasi.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in dhalinyaradan lagu soo celinayo dalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha arrimaha qurbajoogta iyo laamaha ammaanka ayaa sheegay in la diyaariyay qorshe lagu soo dhaweynayo muwaadiniintaas, isla markaana loo fidin doono daryeel iyo talooyin ku saabsan khataraha tahriibta.

Tahriibka ayaa noqday dhibaato baahsan oo saameyn ku yeelatay dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo badankood naftooda halis gelinaya, iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan tan ay ku nool yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ugu baaqday dhalinyarada in ay ka fogaadaan tahriibta halista ah, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee dalka ka jira.