Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday diyaargarowga munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xilka si rasmi ah loogu wareejin doono Janeraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa mar kale wareejinaya xilka kadib muddo uu hoggaaminayay Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo kaalin muuqata ka qaatay dib-u-habaynta ciidamada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhici doonta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doona masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in munaasabadda ay noqon doonto mid si hufan loo agaasimay, looguna talagalay in si rasmi ah loogu kala wareejiyo xilka, si loo sii wado dadaallada sugidda amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Janeraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa lagu tilmaamaa sarkaal khibrad dheer u leh hoggaaminta ciidanka, waxaana la filayaa in uu sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Odowaa Yuusuf Raage ayaa xilkan horey u soo qabtay laba jeer, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ugu waayo-aragnimada badan ee CXDS.

Waa Sawirka Taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka