Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilka uga kala wareegay Taliyihii hore ee CXDS, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin ( Fiqi ), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil sare oo ciidan, iyo wakiillo ka socday dalalka saaxiibada iyo beesha caalamka ee taageera Soomaaliya.
Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa ka warbixiyay waxqabadkii uu ku soo kordhiyay CXDS intii uu xilka hayay.
Waxa uu sheegay in uu dib u habeyn ku sameeyay qaab-dhismeedka ciidanka, isla markaana uu sameeyay kala saarid cusub oo ciidanka loogu qaybiyay:
Ciidamada Howlgalka ku jira
Ciidamada Howlgabka ah
Ciidamada Naafada ah
Ciidamada Habsan (xirfad gaar ah leh)
Odawaa ayaa xusay in isbeddelladaasi ay sare u qaadeen nidaamka, kartida iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha cusub, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo midaysan, awood leh, kana madaxbannaan saameyn siyaasadeed.
Waxa uu sidoo kale adkeeyay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan:
La dagaallanka kooxaha argagixisada
Tayeynta tababarka iyo qalabka ciidanka
Xoojinta midnimada iyo anshaxa CXDS
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in xil-wareejintu ay astaan u tahay isbeddel ku dhisan sharci iyo nidaam.
Waxa uu u mahadceliyay Taliye Odawaa dadaalkii uu muujiyay, isla markaana uu ku boorriyay Taliyaha cusub in uu dardar geliyo dib u dhiska ciidamada.
Ugu dambeyn, taliyayaashii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa munaasabadda ka jeediyay hadallo ay ku hambalyeynayaan Janaraal Ibraahim, iyagoo u rajeeyay guul iyo horumar, kana codsaday in uu sii xoojiyo doorka ciidanka ee difaaca qaranka iyo sugidda amniga dalka.







