Afar bilood kaddib markii daadad xooggan ay burburiyeen buundo ku taalla waddada istiraatiijiga ah ee Berbera, Somaliland ayaa heshiis la gaartay shirkadda Imaaraadka ee Nael & Bin Harmal Hydroexport (NBHH) si dib loogu dhiso buundadaasi.
Waddadan oo horey loogu maalgeliyay lacag dhan 262 milyan oo dirham (qiyaastii $71.4 milyan), taas oo deeq ahaan uga timid Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, ayaa ka mid ahayd heshiiskii la siiyay shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World. Waddadu waxay laf-dhabar u tahay isku socodka gaadiidka xamuulka ah ee ka yimaada dekedda Berbera una gudba Hargeysa iyo Tog Wajaale, oo ah magaalo xuduud la leh Itoobiya.
Burburka buundada, oo dhacay saddex sano kaddib markii la daah-furay sanadkii 2022, ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira naqshadda iyo tayada dhismaheeda. Buundada waxaa markaas si rasmi ah u furay madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo agaasimaha xafiiska ganacsiga Imaaraadka ee waqtigaas, Cabdulla Maxamed Al-Naqbi. Khubaro ayaa tilmaamay in masaafada cidhiidhiga ah ee u dhaxeysay tiirarka buundada ee ku yaallay wabiga—oo inta badan qalalan—ay sabab u noqon karto burburka, kaddib markii heerka biyuhu si kedis ah kor ugu kacay xilligii roobabka.
Shirkadda NBHH, oo uu leeyahay ganacsade Imaaraati ah Sheekh Nayel Rashed Saif Al-Shamsi, ayaa Somaliland timid kaddib shirkadda DP World iyo ganacsadaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Booreh, oo xiriir ganacsi ku leh dalal ka baxsan Geeska Afrika. NBHH, oo ka faa’iidaysatay habraacyo canshuureed oo fudud, ayaa heshay qandaraasyo dhowr ah oo la xiriira waddada Berbera iyo sidoo kale mashruuca garoonka diyaaradaha Berbera.
Falanqayn laga sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka iyo xog rasmi ah oo laga helay ilo ka tirsan Somaliland ayaa muujinaya in xaruntaasi yeelan karto ujeeddooyin ciidan, maadaama gelitaankeeda lagu xaddiday xayndaab dhererkiisu gaarayo 12 kiiloomitir. Markii ay la xiriirtay warbaahinta Africa Intelligence, shirkadda NBHH iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi kama aysan jawaabin codsiyo faahfaahin ah ka hor inta aan warbixintan la daabicin.






