Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku warramaya inuu halkaasi mar kale saaka ka qarxay dagaal culus.

Dagaalka oo lasoo warinayo inuu ka socdo afar goobood oo Kamid ah magaalada Baydhabo ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo koox maleeshiyaad ah oo lagu eedeeyay inay dhibaato ku hayaan shacabka magaalada Baydhabo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka iyadoona aanan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dagaalka oo socday tan iyo shalay ayay dadka deegaanka soo sheegayaan inuu maanta yahay mid ka culus kii shalay waxaana la maqlayaa hub culculus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishow oo kamid ah milatariga Soomaaliya wata ciidamada la dagaalmaya kuwa maamulka Koofur Galbeed.