Xildhibaan Xasan Maxamed Xasan (Murjaan), oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in Alle ha u naxariisto dadkii ku geeriyooday dagaalkaas, isla markaana uu Alle ha siiyo caafimaad degdeg ah dadkii ku dhaawacmay. Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay waxyeelladu gaartay.
Murjaan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya mas’uuliyadda dagaalka Baydhabo, isagoo sheegay in ay ka gaabisay ka hortagga colaadda, isla markaana ay dayacday waajibaadkeedii ku aadanaa ilaalinta nabadda iyo xasiloonida magaalada.
“Mas’uuliyadda dagaalkaas waa Dowladda Federaalka, maadaama ay ahayd in ay qaaddo doorkeedii dastuuriga ahaa ee sugidda amniga iyo badbaadinta shacabka,” ayuu yiri Xildhibaanku.
Wuxuu intaas ku daray in arrinta Baydhabo ay muujinayso baahida degdegga ah ee loo qabo xal siyaasadeed, islamarkaana uu jiro firaaq dastuur ah oo sababay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Dhanka kale, Xildhibaan Murjaan ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay galeyso marxalad doorasho, taas oo uu ku tilmaamay fursad lagu soo celin karo kalsoonida shacabka iyo xasiloonida dowlad-goboleedka.
“Anagoo ah xildhibaannada BJFS, waxaan caddeyneynaa in dastuur ahaan la joogo waqtigii la qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah, si shacabka Koonfur Galbeed ay u doortaan hoggaan cusub,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay ilaaliyaan sharciga, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabad, midnimo iyo doorasho loo dhan yahay.






