Dowladda Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inay billowday qorshe ballaaran oo ay ku suuq-geynayso shidaalka laga helay Soomaaliya, kaddib markii shirkadda shidaalka ee ay dowladdu leedahay ee TPAO ay heshiis is-afgarad (MoU) la saxiixatay shirkadda Mareykanka ah ee Chevron.

Heshiiskan cusub ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah oo quseeya sahaminta, soo saarista iyo suuq-geynta shidaalka, wuxuuna daboolayaa mashaariic laga hirgelin doono gudaha Turkiga iyo dibedda, gaar ahaan Soomaaliya.

Wararka laga helayo ilo ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in iskaashigani uu noqon doono mid ballaaran, isla markaana labada shirkadood ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan mashaariic la xiriira tamarta, shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Turkigu doonayo inuu mustaqbalka noqdo dal si weyn uga dhex muuqda suuqyada caalamiga ah ee shidaalka, isaga oo la tartamaya dalalka waaweyn sida Sacuu­diga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa la tilmaamay in qayb weyn oo shidaalka la qorsheynayo in la suuq-geeyo uu ka iman doono Soomaaliya, taas oo Turkiga u arko fursad istiraatiiji ah oo uu ku xoojin karo saameyntiisa dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Inkasta oo heshiiska la saxiixay, haddana wali lama shaacin:

Goorta rasmiga ah ee shidaalka la soo saari doono.

Iyo saameynta dhaqaale ee ay ku yeelan karto Soomaaliya iyo gobolka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga midna weli kama bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan qodobbada heshiiskan.

Qorshahan cusub ayaa si weyn u beddeli kara mustaqbalka tamarta iyo dhaqaalaha Soomaaliya, haddii uu hirgalo. Waxaase weli la sugayaa caddeymo rasmi ah iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan saameynta dhabta ah ee mashruucan.