Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda safar rasmi ah ku tago dalka Masar, halkaas oo uu kulamo heer sare ah kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo mid siyaasadeed ee u dhexeeya saddexda dal, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadgelyada gobolka Geeska Afrika iyo ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha ayaa imaneysa kaddib kulamo hordhac ah oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yeeshay magaalada Qaahira, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashi wadajir ah oo wax ku ool ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa lagu tilmaamay inay door muuqda ka qaadanayso wada-hadalladan, iyadoo la doonayo in la xoojiyo amniga marinka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed, kaas oo muhiim u ah ganacsiga caalamka.

Iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya, Masar iyo Sacuudiga ayaa la filayaa inuu horseedo heshiisyo la xiriira difaaca iyo tababarrada ciidamada, kuwaas oo sare u qaadi kara awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, tan iyo markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, waxaa isa soo taraya dowlado si cad u muujinaya taageerada ay u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safarkan madaxweynaha ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee diblomaasiyadda gobolka iyo sugidda danaha qaranka.