Taliska Booliska magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen laba kamid ah rag lagu eedeeyay inay kufsi wadareed u geysteen gabar yar, isla markaana baraha bulshada ku faafiyay muuqaal muujinaya falkaas foosha xun.

Sida uu sheegay taliska, labada eedeysane ee la soo xiray ayaa lagu kala magacaabaa C/shakuur Xasan Ibraahim iyo Maxamed Cawaale Cumar, kuwaas oo qeyb ka ahaa koox la tuhunsan yahay inay si wadareed u kufsadeen gabadha.

Boolisku waxay tilmaameen in labada nin ay yihiin eedeysanayaashii ugu dambeeyay ee ka dhinaa kiiskan, ayna hadda tirada guud ee dadka loo haysto falkaasi gaareyso lix eedeysane.

Taliska Booliska Beledweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyay in baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan, isla markaana dhammaan eedeysaneyaasha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Kiiskan ayaa si weyn u gilgilay bulshada Beledweyne iyo guud ahaan dalka, kaddib markii muuqaal laga baahiyay baraha bulshada uu muujiyay xadgudub aad u daran oo lagula kacay gabar aan qaan-gaarin.

Ugu dambeyn, Booliska ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta muuqaallada dhaawaca ku ah anshaxa iyo xuquuqda dhibbanayaasha.