Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah ayaa si naxdin leh loogu dilay ismaamulka Narok ee dalka Kenya, kaddib markii dabley hubeysan ay ku weerareen dukaan uu ku lahaa halkaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdisitaar Dugaal Cali, ayaa ku sugnaa tukaankiisa xilli ay soo galeen saddex nin oo tuugo ah. Sida ay sheegeen goobjoogayaal, dableydu waxay wateen baangado, taas oo sababtay in marxuumku isku dayo inuu is difaaco, isaga oo soo qaatay bud.

” Qof joobjooge ahaa ayaa yiri, hal arrin ma uusan ogeyn – tuugadu waxay wateen qori. Mid kamid ah dableyda ayaa rasaas ku furay, taas oo si toos ah u haleeshay.

Marxuum Cabdisitaar ayaa gacanta kor u taagay isagoo is dhiibaya, balse rasaastaas kaddib ayuu goobtii ku naf baxay, halka tuugadii ay ka qaateen wixii ay doonayeen.

Ehelada marxuumka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Narok ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid murugo badan, waxayna dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaas.

Waxaa la filayaa in maanta la aaso marxuumka, iyadoo ay si weyn u tacsiyeeyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo meelo kale.