Maamulka Puntland ayaa si cad uga hor yimid heshiis ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhex maray DFS iyo Dowladda Turkiga, una jeedkiisu ahaa horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.

Heshiiskan oo ay saxiixeen labada dhinac ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo kaabeyaasha badda, ilaalinta xeebaha iyo horumarinta shaqaalaha badda Soomaaliyeed. Hase yeeshee, Puntland ayaa sheegtay in heshiiskaasi uusan khusayn doonin dhankooda isla markaana aysan aqbali doonin.

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in heshiiskaasi aanu ka shaqayn doonin Puntland, isla markaana uusan waafaqsanayn danaha iyo nidaamka maamulkaas.

“Haddii lagu fakarayo in isbaaro loo dhigto si lacag looga qaato gaadiidka, shaqaalaha badda iyo badeecadaha u socda ama ka dhoofaya dekedaha Soomaaliya, taasi ma shaqayn doonto,” ayuu yiri wasiirku.

Puntland ayaa sidoo kale tilmaantay in heshiisyada la xiriira kheyraadka badda iyo dekedaha ay u baahan yihiin wadatashi qaran, isla markaana aan lagu koobin go’aan ka yimaada hal dhinac oo keliya.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin diidmada Puntland, hase yeeshee heshiiskan ayaa horey Golaha Wasiirrada XFS u ansixiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo amniga badda.

Khilaafka ka dhashay heshiiskan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan isfaham la’aan siyaasadeed oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.