Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan dhiirigelin ah kula qaatay Magaalada Kismaayo, Saraakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee Dowlada Maraykanka ee ka howlgalla Jubaland.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Al-Shabaab, iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidamada howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah AFRICOM ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna si rasmi ah u guddoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin, isagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee taageerada dhinacyada badan ee amniga Jubaland.