Rapper-ka caanka ah ee reer Britain, Oakley Neil Caesar-Su, oo si weyn loogu yaqaan Central Cee, ayaa shaaca ka qaaday inuu qaatay diinta Islaamka, isla markaana uu beddelay magaciisa.
Central Cee, oo ah fanaanka heesta Band 4 Band, ayaa arrintan ku muujiyay baahin toos ah (livestream) oo uu dhawaan sameeyay, halkaas oo uu si cad ugu dhawaaqay inuu qaatay shahaatada.
“Waxaan hadda beddelay magacayga, waxaanan qaatay shahaatada. Hadda waxaan ahay Muslim,” ayuu yiri Central Cee, iyadoo saaxiibbadiisna ay muuqaalka ka dhex muujiyeen hambalyo iyo taageero.
Ka hor shaacinta tan, Central Cee si rasmi ah uguma dhawaaqin diin uu ka tirsanaa.
Fanaankan ayaa ku dhashay magaalada London 4-tii Juun 1998, hooyo u dhalatay Ingiriiska iyo aabbe asal ahaan ka soo jeeda Guyana iyo Shiinaha. Waalidkiis ayaa kala tagay markii uu jiray toddobo sano, waxaana soo barbaarisay hooyadiis isagoona lasoo koray laba wiil oo la dhashay kana yar, wuxuu kusoo koray xaafadda Shepherd’s Bush ee London.
Central Cee waxa uu bilaabay xirfaddiisa fanka sannadkii 2014, kadib markii uu ka soo muuqday barnaamijka Fire in the Streets, inkasta oo qaybtaasi hadda la tirtiray. Muuqaalka heesihiisa ee ugu horreeyay waxa uu ka soo baxay remix-ka Ain’t On Nuttin bishii Janaayo 2015, isagoo la kaashanayay J Hus iyo fanaaniin kale.
Heestiisa si weyn u soo caan baxday ee Day in the Life ayuu sii daayay 14-kii Juun 2020, taas oo albaabada u furtay guul ballaaran. Tan iyo markaas, Central Cee waxa uu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee muusigga UK drill, isagoo sumcad sare ku yeeshay fagaaraha fanka Ingiriiska.






