Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo looga hakiyay fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka 20 mudane oo isugu jira  19 mudane oo katirsan Golaha Shacabka iyo 1 kamid ah Aqalka Sare, iyada oo dhawaan sidoo kale guddoonka labada Aqal uu fadhiyada ka joojiyay 20 mudane oo labada Aqal ah.

Go’aankan ayaa yimid kaddib qalalaase iyo buuq ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo qabsoomay 2-dii Febraayo, 2026, iyadoo ay jireen is-faham waa iyo muran xooggan oo sababay in uu fadhigu si caadi ah u socon waayo.

Mudane Abshirow iyo Cali Shacbaan ayaa sheegay in hakinta fadhiyadu ay tahay tallaabo ku meel gaar ah oo looga golleeyahay in la dejiyo xiisadda, lana abuuro jawi ku habboon in Baarlamaanku dib ugu laabto shaqadiisa si nidaamsan oo waafaqsan xeer-hoosaadka.

Sidoo kale, go’aanka ayaa lagu sheegay in la bilaabi doono la-tashi iyo wadatashi dhex mara hoggaanka Baarlamaanka, Guddiyada Joogtada ah iyo xildhibaanada, si xal loogu helo khilaafka ka dhashay fadhigii muranka dhaliyay.

Kusimaha Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha Baarlamaanka in ay muujiyaan mas’uuliyad, dulqaad iyo ixtiraam sharci, si loo ilaaliyo haybadda Baarlamaanka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayeen hadal-heynta siyaasadeed ee la xiriirta khilaafaadka ka dhex jira labada Aqal, kuwaas oo saameyn ku yeeshay howlaha sharci-dejinta iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Guddoonka ka labada Aqal.