Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 30 ruux iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in falkaasi yahay mid ka dhan ah qiyamka aadanaha, diinta Islaamka iyo nabadda caalamka, isla markaana si bareer ah loogu beegsaday dad shacab ah oo ku jiray goob cibaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo Shacabka Pakistan, gaar ahaan qoysaska ay dhibaatadu saameysay, iyadoo Alle uga baryeysa inuu naxariistiisa siiyo dadkii geeriyooday, caafimaad degdeg ahna siiyo kuwa dhaawacmay.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah dhammaan falalka argagixiso, waxayna adkaysay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku si mideysan ula dagaallanto kooxaha rabshadaha ku faafinaya caalamka.

Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Pakistan, waxayna ku boorrisay in la xaqiijiyo in caddaalad la marsiiyo dhammaan dadka ka dambeeyay weerarkan arxan darrada ah.