Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Koox huntsman ay xalay ku dileen wiilal la sheegay inay walaalo ahaayeen.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay halka lagu magacaabo qabuuraha Sheikhaasha oo ku taala duleedka Muqdisho .
Waxaa la shegay in labada wiil Gurigooda ay ugu galeen rag ku libisan dharka ciidanka kadib markii Albaabka laga furayna ay rasaas ku bilaabeen iyagoona goobta kuwada toogtay
Magacyada marxuumiinta ayaa lagu kala sheegay Liibaan Shire iyo Abdi Shire, waxaan goobta ka baxsaday ragga dilka geystay.
Lama garanayo sababta loo dilay wiilashaan walaalaha ahaa iyadoona goobta dilka ka dhacay ay markii dambe gaareen ciidamada ammaanka oo baaritaano iyo dabagal ku bilaabay kooxda dilka geysatay.






