Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Casiis Golf-Yare ayaa si adag u beeniyay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ku saabsanaa in uu wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuna saabsanaa dhismaha guri la sheegay in Farmaajo looga dhisay magaalada Marka.

Golf-Yare ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo dhex maray labada Madaxweyne ee ku saabsan arrintaas, isagoo tilmaamay in sheegashada Farmaajo ay tahay mid aan xaqiiqo ku dhisnayn isla markaana ka fog mas’uuliyadda laga filayo hoggaamiye hore oo dalka soo maamulay.

“Sheegashada Farmaajo waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah, kamana tarjumayso culayska iyo mas’uuliyadda hoggaamineed ee saarnaa Madaxweynaha waqtigaas,” ayuu yiri Golf-Yare.

Madaxweynaha Oo Ku Mashquulsanaa Arrimo Qaran.

Wuxuu xusay in xilligii uu Farmaajo sheegay inuu wadahadal la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, uu Madaxweynuhu si buuxda ugu mashquulsanaa:

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dadaallada lagu xaqiijinayay deyn cafinta Soomaaliya

Ka shaqeynta qaadista cuna-qabataynta hubka

Xoojinta cilaaqaadka diblomaasiyadeed

Dhismaha hay’adaha dowliga ah

Arrimahan ayuu ku tilmaamay kuwo mudnaan qaran leh, kuwaas oo muujinaya in aanay suuragal ahayn in Madaxweynuhu waqti u helay arrin shakhsiyeed oo noocaas ah.

Golf-Yare ayaa sidoo kale cambaareeyay in Madaxweyne hore oo dalka soo maamulay uu ku kacay “been-abuur iyo sheegasho aan sal iyo raad lahayn”, isaga oo doonaya, sida uu yiri, hadal-hayn warbaahineed.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay “ayaandarro” in xilli ay dadka Soomaaliyeed la daalaadhacayaan abaaro, dhibaatooyin nololeed iyo duruufo adag, in la soo bandhigo guri la sheegay inuu ku kacay dhismihiisa $300,000, taas oo aan ka tarjumayn dareen mas’uuliyadeed