Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in faragelinta Israel ay ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin, isla markaana si cad uga hor imanayso sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay madal-dooddeedka Al Jazeera Forum oo lagu qabtay caasimadda dalka Qatar ee Doha, halkaas oo uu kaga hadlay arrimo la xiriira amniga gobolka, nidaamka caalamiga ah iyo xaaladda Falastiin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in faragelinta Israel ee arrimaha gudaha Soomaaliya ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka iyo tan caalamkaba, isaga oo carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocan ah ay si toos ah u jebinayaan sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay go’aankii Israel ay bishii December ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isaga oo tilmaamay in tallaabadaasi ay si toos ah u beegsanayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay caqabad ku tahay midnimada qaaradda Afrika.

“Faragelinta Israel ee madaxbannaanida Soomaaliya waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay in Afrika ay si buuxda u diidan tahay isku day kasta oo xuduudaha dalalka lagu beddelayo awood ciidan ama qasab, isaga oo ku tilmaamay hab-dhaqankaas mid aan la aqbali karin.

Gaza, nidaamka caalamiga ah iyo amniga gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Gaza, isaga oo sheegay in weerarrada Israel ay sababeen masiibo bani’aadannimo oo aan horey loo arag.

Waxa uu xusay in ku guuldarreysiga in xal caddaalad ah oo waara laga gaaro arrinta Falastiin ay khatar ku tahay nabadda iyo amniga caalamka, isaga oo adkeeyay in caddaaladda lagu xaqiijin karo oo keliya xal ku dhisan laba dal (two-state solution).

Isaga oo ka digay in nidaamka caalamiga ah uu wajahayo imtixaan adag, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in oggolaanshaha isticmaalka xoogga si loo meel mariyo sharci-darro ay dunida u horseedi karto qalalaase sii xoogeysanaya. Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mowqif cad oo adag oo ka dhan ah jebinta sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isaga oo xusay in amniga iyo xasilloonida Badda Cas ay muhiim u yihiin gobolka oo keliya ma aha, balse ay saameyn weyn ku leeyihiin ganacsiga iyo amniga caalamka.