Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo si kulul u dhaliilay khilaafaadka siyaasadeed iyo buuqa hareeyay fadhiyadii ugu dambeeyay ee golaha.

Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku sheegay in waxa ka socda Baarlamaanka ay yihiin “mas’uuliyad-darro halis ku ah jiritaanka dowladnimada,” isla markaana dhaawac ku ah kalsoonidii shacabka ku qabeen hay’adaha qaranka.

“Baarlamaanka maanta wuxuu galay mas’uuliyad-darro taariikhi ah, wuxuuna ka weecday waajibaadkii dastuuriga ahaa ee lagu aaminay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in xildhibaanada iyo hoggaanka Baarlamaanka ay ku mashquulsan yihiin dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii ay ka ilaalin lahaayeen danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray in haddii aan si degdeg ah xal loogu helin khilaafaadka taagan, ay dalka u horseedi karto firaaq siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo dhammaan xildhibaanada in ay dib ugu noqdaan wada-hadal, isla markaana ay ixtiraamaan Dastuurka iyo xeerarka Baarlamaanka.

“Waxaa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo sharciyadda iyo kala dambeynta, si looga hortago burbur siyaasadeed,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku booriyay in shacabka Soomaaliyeed lala wadaago xaqiiqda dhacdooyinka ka jira golaha, si loo helo xal waara oo ku saleysan isla xisaabtan iyo hufnaan.