Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xildhibaan Dayax Cumar iyo Sanatar Cabdiwali Garyare ay xalay weerar ku qaadeen Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Cabdinaasir Maxamuud Gureey, xilli uu ku sugnaa Hotel-ka Paradise ee magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku tilmaamayaan, labada xildhibaan oo ka mid ah xubnaha u ololeeya wax ka beddelka Dastuurka, ayaa la sheegay in ay muran dhuleed kala dhexeeyo maareeyaha, kaas oo ku yaalla bannaanka garoonka Aadan Cadde, isla markaana ay sheegeen in horay loo siiyay, balse uu Gureey ka hor istaagay, maadaama uu masuul ka yahay aaggaas.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdinaasir Gureey uu la fadhiyay saaxiibadiis, markaas ay labada mudane si gaadmo ah u weerareen, waxaana la sheegay inuu iska difaacay, kaddibna ay kala dhex galeen dadkii goobta joogay.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaan Dayax Cumar uu bastoolad la baxay, isagoo hanjabaad u jeediyay maareeyaha, arrintaas oo cabsi badan gelisay dadkii ku sugnaa hotel-ka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Madaxtooyada Soomaaliya ay soo dhexgashay dhacdadan, isla markaana ay socdaan waan-waan lagu doonayo in si nabad ah lagu xalliyo muranka.

Illaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada xildhibaan ama maamulka garoonka, balse dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka, kaas oo sababay xiisado hor leh.

Warbaahinta ayaa si dhow ula socon doonta wixii kasoo kordha.