Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay iyada oo keli ah mas’uul ka tahay khayraadka dabiiciga ah iyo kaabeyaasha istaraatiijiga ah ee dalka, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto shirkadaha Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cali Balcad, oo la hadlay Telefishinka Al-Jazeera, ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadii lala galay shirkadaha Imaaraadka ee la xiriira saddexdaas dekedood ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo aan waxba ka jirin.

“Heshiisyada ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo waa sharci-darro, mana ahan kuwo ansax ah. Laguma gelin fasax laga helay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dekedahaasi yihiin hanti qaran oo la dhisay intii u dhaxeysay 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii, sidaas darteedna aysan jirin cid kale oo xaq u leh inay heshiisyo ka gasho marka laga reebo Dowladda Dhexe.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku matali kara oo keliya Dowladda Federaalka marka laga hadlayo heshiisyada ku saabsan khayraadka iyo kaabeyaasha qaranka,” ayuu yiri.

Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay arrintan u gudbin doonto khubarro dhinaca sharciga ah, si ay u caddeeyaan xaaladda sharciyeed ee heshiisyada lala galay shirkadaha Imaaraadka.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imaanaya kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u baabi’isay heshiisyadii ay shirkadaha Imaaraadka kula wareegeen dekedaha dalka, taas oo dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah.

Arrintan ayaa la filayaa inay keento muran siyaasadeed iyo mid sharci oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada ay dekedahaasi ku yaallaan, kuwaas oo hore u difaacay heshiisyadaas.