Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si adag uga hadleen qorshe ay ku tilmaameen mid halis ku ah dastuurka dalka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in dhammeystirka dastuurka iyo ka doodista qodobbada xasaasiga ah ay u baahan yihiin jawi ay ka muuqato kalsooni, is-aaminaad, daacadnimo siyaasadeed iyo sharciyad maamul oo buuxda, balse ay hadda ka maqan yihiin shuruudahaas.

Waxay tilmaameen in Guddiga la socodka iyo hirgelinta Dib-u-eegista Dastuurka uu kala qeybsamay, sidoo kalena Baarlamaanka Federaalka uu labo u kala jabay, taas oo muujinaysa khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Xildhibaanadu waxay cambaareeyeen isku day kasta oo dastuur lagu ansixinayo iyadoo la adeegsanayo ciidan, wadooyinka la xirayo, ama xildhibaano la caburinayo, iyagoo sheegay in arrimahaas ay dhaawacayaan sharciyadda, midnimada qaranka iyo kalsoonida shacabka.

Waxay sidoo kale sheegeen in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka ay khasab tahay in lagu saleeyo wadatashi ballaaran, lana tixgeliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha iyo labada gole ee Baarlamaanka looga baahan yahay inay ixtiraamaan dastuurka iyo kala madaxbannaanida hay’adaha dowladda.

Waxaa lagu eedeeyay in madaxweynaha uu doonayo muddo-xileed kororsi aan sharci ahayn, taasoo halis gelin karta xasilloonida siyaasadeed iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Ugu dambeyn, xildhibaanadu waxay ugu baaqeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah, culimada, iyo beesha caalamka inay garab istaagaan difaaca dastuurka iyo ilaalinta nidaamka dowladnimada.

Waxay ku adkeeyeen in dastuur kasta oo si qasab ah loo ansixiyo uu horseedi doono khilaaf iyo qalalaase siyaasadeed.

Waxay ku Eedeeyeen Guddoonka Baarlamaanka in uu u adeegayo Villa Soomaaliya, isla markaana uu mas’uul ka yahay khalalaasaha Baarlamaanka, iyaga oo sheegay inay guddoon cusub dooran doonaan..