Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib dagaal dhawaan halkaas ka dhacay oo sababay khasaare kala duwan.
Sida ay Banaadir24 u xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan, ujeedka safarka Guddoomiyaha ayaa ah in uu ka shaqeeyo xalinta khilaafka iyo xiisadda sababay dagaalka, isaga oo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo federaal ah.
Dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha.
Mas’uuliyiinta ammaanka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo lagu xoojinayo nabadda, si looga hortago in mar kale dib u soo laabato xiisadda, halka shacabka magaalada Baydhabo ay muujinayaan cabsi iyo walaac la xiriira amniga.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imanaya xilli ay jireen baaqyo kala duwan oo ku aaddan in xal degdeg ah loo helo rabshadihii ka dhacay Baydhabo, si dib loogu soo celiyo deganaanshaha magaalada.






