Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde, Cabdinaasir Maxamuud Gurey, kaas oo lagaga hadlay weerar bastoolad ah oo dhawaan lagu qaaday Maareeyaha Garoonka.

Sida ay Banaadir24 u xaqiijiyeen dad ku dhow labada dhinac, bastooladdii lagu weeraray Maareeyaha Garoonka Aadan-Cadde Hotel Paradise ayaa la sheegay in ay ka diiwaangashan tahay ilaalada gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre, kaddib markii maamulka hotelka ay hubkaasi ku wareejiyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, islamarkaana la baaray lambarka taxanaha (serial number) ee bastooladda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka uu Kheyre raalli-gelin ka bixiyay dhacdada la xiriirta isku-daygii dil ee la sheegay in uu sameeyay Xildhibaan Dayax, kaas oo uu wehliyay Senator Cabduweli Garyare.

Ilo xog-ogaal ah ayaa intaas ku daraya in Kheyre uu ballan-qaaday in dhankooda, gaar ahaan beesha Murusade, ay ka bixin doonaan xaal iyo mag-dhaw ku aaddan wixii dhacay, si loo qaboojiyo xiisadda loogana hortago in arrintu sii fido.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku balamay kulan kale oo lagu dhammeystirayo wada-hadallada, si xal waara looga gaaro dhacdadan, halka la filayo in hay’adaha amniga ay sii wadaan baaritaanka la xiriira weerarka.