Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay si buuxda u taageersan tahay hindisaha nabadeed ee la xiriira Qasa, kaas oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay aaminsan tahay in nabad waarta lagu gaari karo wada-hadal iyo is-faham dhex mara dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda.
“Somaliland waxay taageersan tahay qorshe kasta oo horseedi kara nabad dhab ah, kana shaqeynaya badbaadinta shacabka Falastiiniyiinta iyo soo afjaridda colaadda muddada dheer ka taagnayd Qasa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladdiisu ay rumeysan tahay in quruumaha adduunku ay wada noolaan karaan, isla markaana nabaddu ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xasillooni iyo is-ixtiraam ka dhexeeya bulshooyinka kala duwan.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay weli socoto xiisadda ka taagan Marinka Qasa, iyadoo beesha caalamku ay wado dadaallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo waara.
Madaxweyne Cirro ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka shaqeeyaan xal nabadeed oo ka tarjuma rabitaanka shacabka dhibaataysan, isla markaana fura albaab cusub oo wada-hadal iyo is-aaminaad ah.






