Madaxtooyada Masar ayaa saacadihii hore ee subaxnimada saaka soo saartay bayaan warbaahineed, iyadoo ku dhawaaqday in Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi uu maanta u ambabixi doono dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay in booqashadani tahay mid walaaltinimo, isla markaana Madaxweyne Al-Siisi uu la kulmi doono Madaxweyne Sheikh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

Bayaanka ayaa lagu xusay in booqashadu ku saleysan tahay dadaalka ay labada hoggaamiye ugu jiraan xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyo kala duwan, iyo sidoo kale adkeynta wada-tashiga iyo isku-duwidda ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadajirka ah leh.

Booqashadan lama filaanka ah ayaa imaneysa kaddib hadallo saaxiibtinimo oo dhawaan dhexmaray Madaxweyne Al-Siisi iyo dhiggiisa Aljeeriya, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabboune, kuwaas oo la xiriiray xoojinta xiriirka labada dal, inkasta oo Tabboune uu horay u jeediyay hadallo uu si dadban ugu tilmaamay Imaaraadka Carabta “dowlad yar,” isaga oo aan si toos ah u magacaabin.

Sidoo kale, booqashadan, oo ku soo beegmeysa kaddib wada-hadallo uu Madaxweyne Al-Siisi la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo arrimo muhiim ah oo la xiriira gobolka iyo dunida Carabta.

Arrimaha ugu horreeya ee miiska saaran ayaa waxaa ka mid ah xiisadda Suudaan, gaar ahaan marka la eego kala duwanaanshaha aragtiyeed ee u dhexeeya Abu Dhabi, oo taageerta Xamdan Daqlo (Hemedti), iyo Qaahira, oo garab taagan Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan.