Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta xaaladdeedu deggen tahay, iyadoo halkaas dib uga furmayo kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, kaddib khilaaf siyaasadeed oo sababay in xildhibaano la ganaaxo, halka qaar kale oo mucaarad ah ay qaadaceen fadhiyada Golaha.
Xildhibaanadii mucaaradka ahaa ayaa hore ugu dhawaaqay garab kale oo ay ugu yeereen “Baarlamaanka Xorta ah”, waxayna sheegeen inay qorsheynayaan inay saacadaha soo socda doortaan guddoon cusub, taasoo sii xoojisay khilaafka ka dhex aloosan Baarlamaanka.
Wararka laga helayo gudaha xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in amniga si weyn loo adkeeyay, iyadoo jidadka soo gala xarunta lagu dhejiyay magacyada iyo sawirrada xildhibaanada mucaaradka ah. Sidoo kale, waxaa baraha kantaroolka ee Madaxtooyada laga celinayay xildhibaano ka tirsan mucaaradka, halka ciidamo tiro badan la geeyay agagaarka xarunta.
Dhinaca kale, gudaha hoolka kulanka ayaa maanta ka maqnaa ciidamadii booliiska ee maalmihii la soo dhaafay dhex-joogay, taasoo muujinaysa isbeddel ku yimid habka sugidda amniga fadhiyada Baarlamaanka.
Xildhibaanada labada Aqal ee maanta isugu yimid Villa Hargeysa ayaa la filayaa inay sii wadaan ka doodista cutubyada dastuurka ee wax-ka-beddelka lagu sameynayo, kuwaas oo hore muran badan u dhaliyay.
Khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Baarlamaanka ayaa imaanaya xilli dalka wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha shacabka ay ku sii jeedaan sida ay u dhamaan doonto xiisaddan taagan.






