Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu bedelo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Cosoble ku muujiyay shaki xooggan oo ku saabsan doodaha mucaaradka ee ah in bedelidda Ra’iisul Wasaaraha ay horseedi karto heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
“Xamse hadduu baxo miyey dowladda iyo mucaaradka heshiinayaan? Bal dulmiga iyo beenta qaawan arka,” ayuu yiri Cosoble.
Wuxuu sheegay in mucaaradku uusan waligiis si cad u sheegin in mushkiladda siyaasadeed ay ku kooban tahay Ra’iisul Wasaaraha oo la bedelo, balse ay arrintu ka ballaaran tahay shaqsi kaliya.
Cosoble ayaa sidoo kale xusay in taariikhda Soomaaliya ay marar badan muujisay in madaxweynayaal qaata talooyinka mucaaradka, gaar ahaan kuwa ku saleysan isbeddel degdeg ah, ay ugu dambeyn waayaan xilalkii ay hayeen. Wuxuu tusaale u soo qaatay:
Madaxweyne Cabdulqaasim Salaad Xasan
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
“Filimkaan hore ayay Soomaalidu u daawatay,” ayuu yiri, isagoo ula jeeday in khaladaadkii hore aan dib loo celin.
Cosoble ayaa ku adkeeyay in xilligan aanay munaasab ahayn in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaato talooyinka mucaaradka ee ku saleysan in la bedelo Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in heshiis dhab ah uu yimaado marka ay jiraan laba xaaladood oo keliya:
Qolo jabtay oo is-dhiibtay – waa lala heshiiyaa
Qolo guuleysatay – waxbaa lagu darsadaa, waana lala heshiiyaa
Qolo saddexaad ma jirto
Ugu dambeyn, Cosoble ayaa si cad u diiday aragtida ah in Xamse marka uu baxo ay Soomaaliya heshiin doonto, isagoo isweydiiyay:
“Oo Xamse oo jooga lama heshiin karo?”
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka.






