Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa Galabta gaaray caasimadda Muqdisho, kuwaas oo hordhac u ah wafdiyada rasmiga ah ee ay hoggaaminayaan madaxweynayaasha labada maamul.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamo ilaalo oo aad u hubeysan ay soo degi doonaan Muqdisho aroornimada hore ee Talaadada, halka wafdiyada heerka sare ah ay imaan doonaan laga bilaabo galinka dambe ilaa Khamiista.
Waxaa la qorsheynayaa in ka hor Jimcaha uu furmo Shirka Golaha Mustaqbalka, kaas oo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uga qeyb-galayo isagoo metelaya dhinaca Villa Soomaaliya.
Qodobka ugu miisaanka culus ee miiska saaran shirka ayaa ah habka loo wajahayo doorashooyinka, arrin si weyn u kala fogeysay dowladda federaalka iyo maamulada qaarkood.
Shirkan ayaa noqonaya kulankii ugu horreeyay oo ay fool ka fool isugu arkaan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, tan iyo khilaafkoodii billowday Diseembar 2022, markii Villa Soomaaliya ay guda gashay wax ka beddelka Dastuurka.






