Waxaa caawa si rasmi ah xal lagu soo afjaray gacan-hadalkii dhawaan ka dhex dhacay Hotel Paradise, kaas oo u dhexeeyay dhinac ka mid ah Senator Cabdiweli Garyare iyo Xildhibaan Dayax Cumar, iyo dhinaca kale Maareeyaha Garoonka Aadan-Cadde Cabdinaasir Gureey iyo Dr. Maxamed Baldho.
Kulamo is-daba-joog ah oo dhexmaray odayaal, xildhibaano iyo senataro ayaa horseeday in labada dhinac ay is-fahmaan, isla markaana la gaaro heshiis lagu soo afjaray xiisaddii ka dhalatay dhacdadaas.
Xildhibaano iyo senataro matalayay Senator Garyare iyo Xildhibaan Dayax ayaa booqday qoyska ay ka dhasheen Maareeye Cabdinaasir Gureey iyo Dr. Maxamed Baldho, iyagoo ka dalbaday raalli-gelin rasmi ah, kana qirtay qaladkii ka dhacay labada mas’uul ee arrinta ku lugta lahaa.
Dhinaca kale, Maareeye Cabdinaasir Gureey iyo Dr. Maxamed Baldho ayaa aqbalay raalli-gelinta, iyagoo muujiyay cafis buuxa, una caddeeyay in aysan wax nacayb ah u hayn walaalahooda, ayna diyaar u yihiin in bog cusub la furo.
Ugu dambeyn, dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay xalinta arrintan ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay akhyaartii dhex-dhexaadinta sameysay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Senator Dhagdheer, Xildhibaan Axmed Daqare, Senator Cabdullaahi Goley, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey, Xildhibaan Buux, Xildhibaan Qaasim, Xildhibaan hore Cabdullaahi Yuusuf Alankeey, iyo Ganacsade Dhagaweyne.
Sida aan saaka tebinay abaabulka lagu xaliyay dhacdadaan ayaa waxaa lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.
SAWIRADA KULANKII CAAWA LAGU HESHIIYAY







