Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay duqayn dhanka cirka ah oo ka dhacday duleedka degmada Saakow 8-dii Febraayo.
Al-Shabaab waxay sheegtay in ninka la dilay uu ahaa Sheekh Maxamed Abu Usaama, oo ahaa madaxa guddiga gurmadka abaarta ee kooxda.
Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Soomaaliya ayaa Isniintii xaqiijisay in duqayn kale oo cirka ah laga fuliyay duleedka Saakow, taas oo lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen saaxiibada caalamiga ah. Hay’addu waxay sheegtay in duqayntaasi lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare, balse ma aysan shaacin magaciisa.
Alshabaab ayaa iminka wajeheysa weeraro cir dhul ah oo uga imaanaya dhanka ciidanka Somalia.
Waxaa sii kordhaya duqeymaha isdabajooga ah ee ay fulinayaan ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha iyo dagaalmayaasha kooxda Alshabaab ee kusugan qeybo kamida gobollada dalka Soomaaliya.






