Shir xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa lagu lafa-guray arrimo xasaasi ah oo la xiriira geeddi-socodka siyaasadda dalka, gaar ahaan howlaha wax ka beddelka Dastuurka.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Jaamac, oo shirka ku metelayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo guddi wasiirro ah oo ka socday shanta beelood ee awood-qaybsiga siyaasadda.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu dhawaaqay magacaabista guddi gaar ah oo loo xilsaaray dardar-gelinta iyo isku-duwidda howlaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka dastuuriga ah uu si buuxda u dhammaado.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray saddex arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:
Waxaa la isla qaatay in si degdeg ah loo soo afjaro shaqada weli ka dhimman wax ka beddelka Dastuurka, si loo helo hannaan sharciyeed oo dhammeystiran.
Waxaa lagu adkeeyay in wasiirrada xubnaha ka ah Baarlamaanka ay joogteeyaan fadhiyada Golaha, si loo xoojiyo doorka sharci-dejinta iyo isla xisaabtanka.
Shirku wuxuu ku baaqay in loo fududeeyo xildhibaanada, kuwa ganaaxan iyo kuwa aan ganaaxneynba, gelista Villa Soomaaliya iyo goobaha kale ee muhiimka ah, si loo ilaaliyo xurmada iyo xasaanadda xildhibaanimada.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay cabasho ka keeneen in magacyadooda lagu dhejiyay baraha ciidanka, taas oo caqabad ku noqotay isu-socodkooda.
Kulankan ayaa muujinaya dadaal cusub oo ay dowladdu ku doonayso in ay dib u dardar-geliso howlaha dastuuriga ah, isla markaana ay yareyso khilaafaadka saameynaya shaqada Baarlamaanka






