Waxaa lagu wadaa in Ilaalada iyo baratakoolka madaxda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ay Maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo hordhac u ah wafdiyaasha sare ee labada maamul.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, imaatinka ilaalada iyo kooxaha baratakoolka ayaa la xiriira qaban-qaabada soo dhaweynta iyo sugidda amniga madaxda Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo la filayo in ay maalmaha soo socda yimaadaan caasimadda si ay uga qeybgalaan shirka Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in aysan jirin guddi rasmi ah oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya si gaar ah u magacowday, kaas oo qaabilsan soo dhaweynta wafdiyada labada maamul.

Si kastaba ha ahaatee, hawsha sugidda amniga iyo dejinta wafdiyada waxaa si wadajir ah uga shaqeynaya laamaha amniga Gobolka Banaadir iyo kooxo ay hore u soo dirsadeen Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo isku dubbaridaya arrimaha baratakoolka iyo ammaanka.

Imaatinka wafdiyadan ayaa imanaya xilli uu jiro dadaal siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu mideeyo aragtiyaha dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafaadka