Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Malawi, Burundi, Nigeria, Zambia, iyo Jamhuuriyadda Congo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, si ay uga qeybgalaan Shirweynaha 39-aad ee Midowga Afrika (39th AU Summit).

Markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, wasiirrada waxaa si diirran u soo dhoweeyay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Safiir Berhanu Tsegaye, oo matalayay dowladda martida loo yahay.

Shirkan oo si rasmi ah Maanta u furmi doona, ayaa la filayaa in uu isu keeno hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda waddamada Afrika, kuwaas oo ka doodi doona arrimo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka qaaradda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ka qeybgeli doonaan shirka, iyadoo uu matalayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay.

Shirweynaha Midowga Afrika ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saari doona:

Xasilloonida iyo nabadda qaaradda

Iskaashiga dhaqaale

Horumarinta dowladnimada

La dagaallanka caqabadaha amniga iyo saboolnimada

Shirkan 39-aad ayaa la filayaa in uu noqdo mid saameyn weyn ku yeesha jihada siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee Afrika sanadaha soo socda.