Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi C/qaadir Maxamed, oo loo yaqaannay Xuseen Afgarasho, iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan, oo isna loo yaqaanay Xasan Afgarasho.

Labada nin ayaa horey Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil toogasho kadib markii lagu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay geerida afar muwaadin oo rayid ah.

Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay kadib markii ay dhammaatay dhammaan marxaladihii sharciga ee ay maxkamaddu martay, islamarkaana ay heleen fursad ay racfaan ku qaataan, balse lagu waayay wax caddeymo ah oo xukunka ka beddeli kara.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada ayaa xaqiijiyay in raggan ay muddo ku jireen xabsi, isla markaana maxkamaddu ay horay ugu caddaysay dambiyada ay galeen, taas oo keentay in ugu dambeyn lagu fuliyo xukunkii lagu riday.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in fulinta xukunkan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu sugayo amniga caasimadda, laguna ciqaabayo cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah nabadda iyo badbaadada shacabka.