Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan saraakiisha militariga ayaa sheegaya in Dowladda Turkiga ay Soomaaliya soo gaarsiisay qalab isugu jira lidka diyaaradaha iyo nidaamkii ugu horreeyay ee difaaca hawada.
Diyaarad xamuul ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga ayaa shalay ka degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in ay siday qeyb ka mid ah qalabkan militari.
Tallaabadan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku xoojiso awoodda difaaca hawada iyo tayeynta Ciidanka Cirka, si loo sugo amniga dalka iyo ilaalinta hawadiisa.
Mas’uuliyiinta amniga wali kama aysan hadlin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca qalabka ama heerka uu gaarsiisan yahay nidaamka cusub.






