Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in doon muhaajiriin sidday ay ku degtay xeebaha magaalada Zuwara ee dalka Libya, taasoo sababtay khasaare naf oo baaxad leh.

Doonida oo siday ku dhowaad 60 qof iyo wax ka badan, ayaa la xaqiijiyay in 38 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali. Tirada Soomaalida waxaa ka mid ah:

33 rag ah iyo 5 gabdhood, kuwaas oo tahriib ahaan ugu socday dalka Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.

Sidoo kale, waxaa ku jiray doonida haweeney Eritreyan ah oo uur leh, iyo muhaajiriin kale oo ka kala socday dalalka:

Masar

Pakistan

Eritrea

Suudaan

Bangladesh

Ilaa hadda, waxaa la helay qaar ka mid ah meydadka, halka dad kale wali nolol iyo geeri toona lagu la’yahay, taasoo walaac weyn ku abuurtay qoysaska ay ka tageen.

Hay’adaha samatabixinta iyo maamulka maxalliga ah ee Libya ayaa wada howlgallo baadi-goob ah, si loo helo dadka wali la la’yahay, inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca cimilada iyo qalab la’aan ah.

Qoysaska Soomaaliyeed ee carruurtoodu ku maqnaayeen safarkan halista ah ayaa muujinaya murugo iyo welwel, iyagoo ka codsanaya hay’adaha caalamiga ah in la dardar-geliyo gurmadka iyo baaritaanka dhacdadan.

Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa khatarta ay wajahaan dhalinyarada ku tahriibaya badda Mediterranean-ka, iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan.