Diyaarada Sky oo siday dad shacab ah oo ku dhacday gudaha Garoonka aadan cade ee Magaalada Muqdisho

Diyaaradan ayaa ka kacday isla garoonka aadan cade, balse duuliyihii diyaaradda ayaa dib u soo celiyay markii cilada dareenay, sidaasina ay ku dhacday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa tagey halka ay shilka ku gashay diyaarad rakaab ah oo maanta ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay inuusan jirin qasaare nafeed oo ka dhashay shilka, balse uu diyaarad soo gaaray burbur waxaana uu sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira waxa sababay.

Dhinaca kale Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in diyaarad rakaab sida ay shil ku gashay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, taas oo dib ugu soo laabatay garoonka daqiiqado kadib markii ay kacday.

Maareeyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo shilka diyaaradda ka dhashay, waxaana lasoo badbaadiyey dhammaan rakaabkii la socday.

Diyaaradda oo u socotay magaalada Gaalkacyo ayaa markii ay kacday waxaa ku soo baxday ciladda, taasi oo sababtay inay dib ugu soo noqoto garoonka Aadan Cadde, “Beyloodkii waday diyaaradda wuxuu kasoo dejiyey dhanka magaalada, kadib markii ay soo cagadhigatay waa xakamey waayey, waxaana ka dhamaaday dhabihii oo dhanka badda ayey ula gudubtay, wax khasaare ah majiraan,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.