Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.
Ka hor imaatinka labada madaxweyne, waxaa Muqdisho horay u yimid diyaarado siday ilaaladooda iyo wufuud kale oo horudhac u ahaa safarkooda.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka qeyb galaya shirka ay yeelanayaan madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo lagu wado in uu berri furmo. Shirkaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo xaaladda abaaraha ka jira dalka.
Sidoo kale, inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan ah, waxaana shirka laga sugayaa in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.






