Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta Yoolbaar Media ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh, iyo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xersi Gaani, laga hor istaagay galabta ka qeybgalka munaasabadda lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida ay wararku xaqiijinayaan, labada wasiir waxaa hor istaagay xubno ka tirsan xildhibaanada mucaaradka, kuwaas oo ku sababeeyay tallaabadooda in wasiirradu aysan ka qeybgelin soo dhaweyntii hore ee Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wararka ayaa intaas ku daraya in maqnaanshaha wasiirrada ee munaasabaddii Axmed Madoobe la xiriirtay cabsi siyaasadeed, kadib markii la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uusan oggolaan in si rasmi ah loo soo dhaweeyo Madaxweynaha Jubaland.

Markii ay wasiirradu ka maqnaadeen, doorka soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland waxaa si muuqata u qaatay xildhibaano ka tirsan beelaha Hawiye, kuwaas oo tiradoodu gaareysay ku dhowaad 30 mudane. Xildhibaanadaasi waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi Sanbaloolshe, Senator Cabdiqaybdiid, Xildhibaan Jeessoow, Xildhibaan Jacfar, Xildhibaan Dhabancad iyo Senator Dhagdheer.

Guud ahaan, soo dhaweynta Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku soo dhammaatay si nabad ah, waxaana ka qeyb qaatay in ka badan 130 xildhibaan oo ka kala socday beelaha iyo deegaannada dalka, iyadoo qiyaastii 30 ka mid ah ay ahaayeen xildhibaano ka tirsan beelaha Hawiye, halka inta kalena ay ka kala yimaadeen beelaha kale.