Nabadoon Cali Jarahaye ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Roox oo hoostaga degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, xilli uu ka soo qaadanayay caanaha geel uu lahaa.

Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad hubeysan, waxaana loo aaneynayaa colaad qabiil oo muddo ka taagnayd deegaannada hoostaga Bacaadweyne.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad deegaanka ah oo la xiriiray, Nabadoon Cali Jarahaye ayaa la toogtay, kadib markii ay haleeleen rag hubeysan oo ku sugnaa goobta uu joogay.

Laamaha ammaanka ee Galmudug illaa hadda kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto cid loo soo qabtay falkaas.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo aadaya xilli colaadaha beelaha ay sii kordhayaan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay deegaannada Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug, taasoo walaac ku abuurtay bulshada deegaanka.

Dadweynaha ku dhaqan Bacaadweyne iyo nawaaxigeeda ayaa baaq u diray dowladda iyo maamulka Galmudug, iyagoo ka dalbaday in la soo qabto dambiilayaasha, lana joojiyo colaadaha soo noqnoqday.