Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Tumbler Ridge, gobolka British Columbia ee dalka Canada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliiska dalkaas.

Booliisku waxay sheegeen in lix qof laga helay meydadkooda gudaha dugsiga, halka qofkii toddobaad uu u geeriyooday dhaawac culus intii lagu sii waday isbitaalka.

Qof loo maleynayo inuu ahaa Haweeneey weerarka geysatay ayaa iyana lagu arkay meyd ahaan, waxaana la rumeysan yahay inay is dishay kadib falka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga.

Sidoo kale, laba qof oo kale ayaa laga helay meydadkooda goob kale oo ka baxsan dugsiga, taasoo ay booliisku ku tuhmeen inay xiriir la leedahay weerarkan.

Maamulka dugsiga iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay in iskuullada deegaanka la fasaxay inta ka harsan toddobaadka, si loo xaqiijiyo amniga ardayda iyo macallimiinta.

Ciidamada booliiska ayaa wali wada baaritaan ku saabsan sababta keentay weerarkan iyo cidda ku lug lahayd, iyadoo aan wali la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo rasmi ah.