Howlgalkan oo qaatay ku dhowaad afar saacadood, ayaa ku billowday weerar qorshaysan oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaalaysanayeen xubno katirsan Al-Shabaab, gaar ahaan godad ay ka qoteen jiinka wabiga.
War kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Intii uu socday dagaalka, Al-Shabaab ay isku dayeen inay si adag iskaga caabiyaan weerarka, balse ciidamada huwanta ah ayaa muujiyay iskuduwid, adkaysi iyo diyaargarow sare, iyagoo si toos ah u galay godadkii ay cadowgu ku dhuumaalaysanayeen.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la jabiyay Al-Shabaabkii ku sugneyd aagga, isla markaana duqeymo cirka ah ay door muhiim ah ka qaateen burburinta difaacii ay sameysteen.
Sidoo kale, ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in in ka badan 70 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalkan, halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen.
Taliyeyaasha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in guushan ay mar kale caddeyn u tahay iskaashiga dhow iyo wada shaqeynta xooggan ee u dhexeeya Ciidamada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab, kuwaas oo ka go’an ciribtirka Ururka Al-Shabaab.
Howlgallada noocan ah ayaa la filayaa inay sii socdaan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaanada ku teedsan Wabiga Jubba.






