Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in ay magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan oo ah mid si gaar ah loo qorsheeyay, ayaa imanaya xilli Madaxweyne Farmaajo uu maalmo ka hor dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safar uu ku soo maray dalalka Turkiga iyo Eritrea, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay siyaasiyiin, ganacsato waaweyn iyo mas’uuliyiin kale.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka saddexdan hoggaamiye uu diiradda saari doono arrimaha doorashooyinka dalka, dib u eegista Dastuurka, iyo qodobo kale oo la xiriira mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la tilmaamayaa in wada-hadalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashada iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Ilaa iyo hadda, faahfaahin rasmi ah lagama helin dhinacyada kulanka, hase yeeshee ilo dhowr ah ayaa xaqiijinaya in shirkan uu yahay mid saameyn weyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka.