Dekedda magaalada Muqdisho ayaa maalmahan wajahaysa dhaqdhaqaaqyo amni iyo kuwo farsamo oo aan horay loo arag, kadib markii la xaqiijiyay in maraakiib dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga ay kusoo wajahan yihiin caasimadda Soomaaliya.
Maraakiibtan ayaa la filayaa inay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya 13-ka bishan, waxaana lagu sheegay inay yihiin kuwo horudhac u ah markab weyn oo loogu talagalay qodista shidaalka badda Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa si weyn u xoojisay joogitaankeeda militari ee Soomaaliya sannadka 2026, iyadoo dalka keentay, Diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyoQalab casri ah oo difaaca cirka ah.
Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay kuwo ka tarjumaya iskaashi militari oo ballaaran oo u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Turkigu wuxuu ka mid yahay dalalka hormuudka u ah mashruucyada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Dhismaha iyo tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Cirka iyo kuwa Gorgor ee xoogga dalka.
Dhismaha Wargaadhi Military oo noqon doona xarunta ugu weyn ee Ciidanka Cirka Soomaaliya
Mashruuca Xarun laga maamulo gantaallada hawada sare (Spaceport) iyo mashruuca ballaaran ee qodista shidaalka Soomaaliya
Falanqeeyayaal ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay muujinayaan doorka sii kordhaya ee Turkiga ee amniga iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana ay qeyb ka noqon karaan xoojinta dhaqaalaha iyo madaxbannaanida tamarta dalka.
WAA SAWIRKA MARKABKA QODAYA SHIDAALKA







