Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daaha ka rogay istaraatiijiyad siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo saddex qodob ka kooban, taas oo uu sheegay in lagu burinayo waxa uu ku tilmaamay aqoonsi ay Israa’iil siisay Somaliland. Madaxweynaha ayaa ka digay in tallaabadaasi ay halis ku tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana wiiqi karto xasilloonida gobolka.
Wareysi uu siiyey wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in dowladdiisu si dhow ula shaqeyneyso saaxiibbo uu hormuud ka yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si loo ilaaliyo xasilloonida loogana hortago waxa uu ugu yeeray “kicin iyo tallaabooyin aan masuuliyad lahayn.”
Isagoo aan magac dhabin dalal gaar ah, ayuu xusay in qaar ka mid ah dowladaha gobolka ay u arki karaan aqoonsigaasi fursad ay ku gaaraan dano gaaban oo cidhiidhi ah, balse uu carrabka ku adkeeyay in midnimada Soomaaliya ay tahay “khad cas.”
“Ma doonayo in aan magacabo dal ama dalal gaar ah, balse waa cadahay in qaarkood ay u arki karaan aqoonsigan fursad ay ku gaaraan dano kooban,” ayuu yiri Madaxweynaha. Wuxuu intaas ku daray in Muqdisho ay qaadday mowqif adag oo lagu difaacayo qarannimada dalka, isaga oo ka digay in aan lagu kadsoomin waxa uu ku tilmaamay “tallaabooyin khatar ah oo Israa’iil ku kacday.”
Saddex tallaabo oo isbarbar socda
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tixraacayay aqoonsi uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kaas oo la xiriira Jamhuuriyadda iskeed isu magacawday ee Somaliland.
“Waxaan si cad oo aan leexleexad lahayn u xaqiijinayaa in aqoonsi kasta oo Somaliland loo siiyo dal madax-bannaan uu yahay xadgudub toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.
Wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid si weyn uga hor imanaysa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo go’aannada Midowga Afrika ee dhowra xuduudaha Afrika ee la dhaxlay xilligii gumeysiga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay saddex tallaabo oo isbarbar socda:
Tallaabada koowaad waa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo degdeg ah oo loo marayo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), si loo diido loogana dhigo mid sharci iyo siyaasad ahaanba waxba kama jiraan ah aqoonsigaasi.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeesho kulan rasmi ah oo looga hadlayo waxa uu ku tilmaamay “xadgudub cad oo Israa’iil ku samaysay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Kulankaas ayuu ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, OIC, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), IGAD, Midowga Yurub iyo dhinacyo kale oo muujiyey garab istaag iyo cambaareyn.
Tallaabada labaad waxay diiradda saaraysaa isku dubbaridka mowqif mideysan oo Carbeed, Islaami ah iyo Afrikaan ah. Madaxweynaha ayaa ammaanay Sacuudi Carabiya oo uu sheegay inay ka mid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee si cad u diida wax kasta oo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in mowqifka Sacuudigu ka tarjumayo sida ay Boqortooyadu uga go’an tahay dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka dalalka, isaga oo xusay in Golaha Wasiirrada Sacuudigu muujiyeen taageero adag oo mabda’ leh xilli uu ku tilmaamay mid xasaasi ah.
Tallaabada saddexaad waxay ku wajahan tahay xoojinta wada-hadalka qaran ee gudaha, si arrimaha siyaasadeed loogu xalliyo qaab ku dhisan hal dowlad Soomaaliyeed, kana madax-bannaan faragelin dibadeed.
Saameynta amniga gobolka
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay in haddii aan tallaabadan la xakameyn, ay abuuri karto “tusaale halis ah” oo wiiqa nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.
Wuxuu sheegay in arrintan ay dhiirrigelin karto dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah oo ka jira Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, isaga oo tusaale u soo qaatay xaaladaha Sudan iyo Yemen.
“Arrintani waxay taabanaysaa marin ganacsi oo caalami ah iyo amniga qaran ee dalalka Carabta,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeday Badda Cas. “Xiisad kasta oo siyaasadeed ama amni oo ka dhalata xeebaha Soomaaliya waxay si toos ah u saameyn doontaa ganacsiga caalamiga ah iyo amniga tamarta.”
Wuxuu intaas ku daray in xasillooni darradu ay saameyn ku yeelan karto dalalka ku teedsan Badda Cas, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, Masar, Sudan, Eritrea, Yemen iyo Urdun, isaga oo adkeeyay in ilaalinta midnimada Soomaaliya ay tiir u tahay amniga wadajirka ah ee Badda Cas.
“Saldhig istiraatiiji ah”
Madaxweynaha ayaa ku dooday in ujeeddada Israa’iil aysan ku ekeyn aqoonsi siyaasadeed oo keliya.
“Waxaan aaminsanahay in ujeeddadu ka fog tahay aqoonsi kaliya; waxay ku saabsan tahay raadinta saldhig istiraatiiji ah oo Geeska Afrika ah oo ku dhow Badda Cas, si saameyn loogu yeesho marin-biyoodka Bab al-Mandab loona halis geliyo amniga dalalka ku teedsan Badda Cas,” ayuu yiri.
Wuxuu arrintan ku tilmaamay imtixaan ku wajahan sida ay uga go’an tahay Soomaaliya, dalalka Carabta iyo kuwa Afrika ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, isaga oo xusay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid mabda’ ku dhisan oo si weyn looga taageeray dunida Carabta iyo Afrika, gaar ahaan Sacuudi Carabiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale caddeeyay in uusan ogolaan doonin in Soomaaliya loo adeegsado goob lagu xalliyo loollan goboleed ama mid caalami ah.
“Ma oggolaan doonno in Soomaaliya laga dhigo fagaaro lagu kala xalliyo khilaafaad aan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed ama amniga gobolka,” ayuu ku dhawaaqay.
Xiriirka Sacuudi Carabiya
Marka laga hadlayo xiriirka Sacuudi Carabiya, Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mid “qoto dheer oo istiraatiiji ah, kuna dhisan taariikh, diin iyo masiir wadaag.”
Wuxuu sheegay in Sacuudi Carabiya ay weli tahay saaxiib muhiim ah oo door muuqda ka qaata xasilloonida, dib-u-dhiska, horumarinta iyo amniga Badda Cas.
Sidoo kale, wuxuu ammaanay Hiigsiga 2030 ee Sacuudiga iyo horumarka dhaqaale ee lagu gaaray hoggaanka Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxal-sugaha ahna Ra’iisul Wasaaraha, Amiir Maxamed bin Salmaan.
Isagoo ka jawaabaya go’aankii dhawaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada Sacuudiga ee diiday isku day kasta oo lagu kala qaybinayo Soomaaliya, ayuu sheegay in dowladda federaalku ku qaabishay “farxad iyo qadarin weyn.”
Wuxuu xusay in mowqifkaasi uu xoojinayo taageerada taariikhiga ah ee Boqortooyadu u hayso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana uu fariin cad u dirayo beesha caalamka oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha iyo ka fogaanshaha faragelinta arrimaha gudaha.






